[1] Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa qoduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
[2] Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
[3] Oo WUXUU SOO xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen bad baadinta Ilaaheenna.
[4] Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
[5] Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
[6] Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.
[7] Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
[8] Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
[9] Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.