Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya, Waan gabyi doonaa, haah, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaantayda.

[2] Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.

[3] Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.

[4] Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda, Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.

[5] Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

[6] Si ay kuwaad jeceshahay u samato baxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.

[7] Ilaah wuxuu ku hadlay qoduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukot,

[8] Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.

[9] Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.

[10] Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?

[11] Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

[12] Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.

[13] Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

Sabuurradii — Chapters