[1] Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa, Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo.
[2] Kaaga baryootanka maqlow, Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
[3] Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
[4] Waxaa barakadaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha qoduuska ah oo macbudkaaga.
[5] Ilaaha badbaadadayadow, Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa, Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan, Iyo kuwa badda fogba,
[6] Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya, Isagoo dhexda xoog ku xidhay.
[7] Wuxuu aammusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.
[8] Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga, Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
[9] Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
[10] Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxaa ka soo baxana waad barakadaysaa.
[11] Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
[12] Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
[13] Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah, Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh, Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.