[1] Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
[2] Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taag daranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
[3] Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
[4] Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samato bixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
[5] Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahad naqi doona?
[6] Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
[7] Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
[8] Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
[9] Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
[10] Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.