Skip to content
Opens in a new window

[1] Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.

[2] Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.

[3] Waayo, wuxuu kaa samato bixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun.

[4] Oo WUXUU kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magan geli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.

[5] Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,

[6] Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.

[7] Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.

[8] Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.

[9] Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.

[10] Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.

[11] Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.

[12] Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.

[13] Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.

[14] Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samato bixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisiin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.

[15] Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samato bixin doonaa, waanan murwayn doonaa.

[16] Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.

Sabuurradii — Chapters