[1] Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
[2] Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
[3] Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weydiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weydiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
[4] Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
[5] Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
[6] Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.
[7] Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
[8] Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaal mariya Sidii aad nagu samaysay.
[9] Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.