Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.

[2] Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

[3] Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

[4] Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

[5] Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

[6] Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa qoduuska ah ayay ku jiraan.

[7] Dadka qolooyinkiisow. Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.

[8] Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.

[9] Rabbiga ku caabuda quruxda qoduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.

[10] Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.

[11] Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha rayrreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,

[12] Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen, Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,

[13] Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.

Sabuurradii — Chapters