Skip to content
Opens in a new window

[1] Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.

[2] Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.

[3] Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.

[4] Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.

[5] Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.

[6] Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.

[7] Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.

[8] Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.

[9] Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.

[10] Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.

[11] Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?

[12] Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.

[13] Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,

[14] Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

[15] Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.

[16] Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,

[17] Ilaa aan galay meesha qoduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.

[18] Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baaba'aan.

[19] Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.

[20] Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.

[21] Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,

[22] Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.

[23] Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.

[24] Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.

[25] Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.

[26] Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qayb tayda.

[27] Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.

[28] Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.

Sabuurradii — Chapters