Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

[2] Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.

[3] Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.

[4] Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.

[5] Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.

[6] Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo Jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.

[7] Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.

[8] Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.

[9] Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.

[10] Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.

[11] Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.

[12] Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.

[13] Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.

[14] Dhoobada iga samato bixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samato bixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.

[15] Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yaamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.

[16] Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.

[17] Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.

[18] Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samato bixi.

[19] Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.

[20] Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

[21] Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xameeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.

[22] Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna sirqool ha ku noqdo.

[23] Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.

[24] Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

[25] Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,

[26] Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.

[27] Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.

[28] Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.

[29] Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.

[30] Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.

[31] Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.

[32] Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.

[33] Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.

[34] Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.

[35] Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.

[36] Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.

Sabuurradii — Chapters