[1] Rabbiga ku mahad naqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
[2] Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
[3] Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
[4] Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
[5] Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
[6] Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?
[7] Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
[8] Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
[9] Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
[10] Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi'in doonaa.
[11] Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi'in doonaa.
[12] Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi'in doonaa.
[13] Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
[14] Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
[15] Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
[16] Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
[17] Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
[18] Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
[19] Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahad naqi doonaa.
[20] Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
[21] Waan kugu mahad naqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
[22] Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
[23] Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.
[24] Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
[25] Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
[26] Waxaa barakadaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
[27] Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geesihiisa.
[28] Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahad naqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
[29] Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.