Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.

[2] Xaakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray ahaalkooda mari.

[3] Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?

[4] Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.

[5] Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga, Oo dhaxalkaagay silciyaan.

[6] Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.

[7] Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.

[8] Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?

[9] Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo? Kii isha sameeyeyna. sow wax arki maayo?

[10] Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?

[11] Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micne la'aan yihiin.

[12] Rabbiyow, waxaa barakadaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,

[13] Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.

[14] Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.

[15] Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.

[16] Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?

[17] Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.

[18] Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.

[19] Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.

[20] Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?

[21] Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa, Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.

[22] Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.

[23] Oo WUXUU dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabi'in doonaa.

Sabuurradii — Chapters