[1] Rabbiga ammaana Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahad naqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
[2] Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin, Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
[3] Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
[4] Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
[5] Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada, Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
[6] Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa, Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
[7] Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid, Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
[8] Way si adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
[9] Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho, Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara, Magiciisu waa qoduus, waana mid laga cabsado.
[10] Rabbiga kacabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.