[1] Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaal Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
[2] Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aammusiisid cadowga iyo aardoonka.
[3] Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
[4] Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
[5] Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
[6] Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
[7] Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,
[8] Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
[9] Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Malacaalu dunida oo dhan ku fiicanaa!