[1] Rabbiga ammaana. Waxaa barakadaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
[2] Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
[3] Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
[4] Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa, Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
[5] Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
[6] Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
[7] Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
[8] Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono, Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
[9] Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
[10] Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabi'i doontaa.