[1] Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
[2] Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
[3] Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
[4] Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.
[5] Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
[6] Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu rayrreeyaan?
[7] Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.
[8] Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbia ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo qoduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
[9] Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
[10] Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
[11] Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
[12] Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
[13] Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.