Skip to content
Opens in a new window

[1] Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka-cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.

[2] Waayo, wuu isfaaniyaa, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba aan la nebcaanayn.

[3] Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

[4] Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.

[5] Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.

[6] Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.

[7] Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa ! Oo binu-aadmiguna wuxuu magan galaa hooska baalashaada.

[8] Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga, Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.

[9] Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.

[10] Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan, Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.

[11] Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

[12] Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen, Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe kacaan.

Sabuurradii — Chapters