[1] Rabbiga ammaana. Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
[2] Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara amaantiisa oo dhan?
[3] Waxaa barakadaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
[4] Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto, Oo igu soo booqo badbaadintaada,
[5] Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda, Oo aan ku rayrreeyo farxadda quruuntaada, Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
[6] Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
[7] Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
[8] Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis, Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
[9] Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay, Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
[10] Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
[11] Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii. Xataa mid qudhahu kama hadhin.
[12] Markaasay rumaysteen erayadiisii, Oo ammaantiisay ku gabyeen.
[13] Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,
[14] Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
[15] Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weydiisteen, Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
[16] Oo weliba waxay xerada dhexdeedii ku xaasideen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii qoduuska ahaa.
[17] Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan, Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
[18] Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
[19] Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen, Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
[20] Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen Dibi caws daaqa ekaantiis.
[21] Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
[22] Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
[23] Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabi'in.
[24] Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,
[25] Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
[26] Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
[27] Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
[28] Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
[29] Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
[30] Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
[31] Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
[32] Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
[33] Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiiro la'aan u hadlay.
[34] Dadyowgiina uma ay baabi'in, Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
[35] Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii, Shuqulladoodiina way barteen,
[36] Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
[37] Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
[38] Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
[39] Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
[40] Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
[41] Oo WUXUU iyagii u gacan geliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
[42] Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
[43] Marar badan ayuu samato bixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
[44] Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,
[45] Oo WUXUU iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomammooday.
[46] Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
[47] Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga qoduuska ah ugu mahad naqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
[48] Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin. Rabbiga ammaana.