[1] Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
[2] Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
[3] Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sabab la'aan.
[4] Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
[5] Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
[6] Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
[7] Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
[8] Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembiilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
[9] Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
[10] Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
[11] Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
[12] Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
[13] Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
[14] Rabbiga taladiisa qarsoon wuxuu la jiraa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
[15] Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
[16] Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
[17] Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.
[18] Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
[19] Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
[20] Naftayda dhawr, oo i samato bixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
[21] Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
[22] Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samato bixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.