Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaaha ammaantaydow, ha iska aammusin,

[2] Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

[3] Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sabab la'aan bay igula dirireen.

[4] Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.

[5] Wanaag waxay iigaga abaal gudeen xumaan, Jacaylna nacayb.

[6] Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.

[7] Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.

[8] Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.

[9] Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.

[10] Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.

[11] Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.

[12] Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.

[13] Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.

[14] Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.

[15] Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.

[16] Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.

[17] Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.

[18] Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.

[19] Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,

[20] Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.

[21] Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samato bixi,

[22] Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.

[23] Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.

[24] Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.

[25] Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.

[26] Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

[27] Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.

[28] Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakadee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.

[29] Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida shulug oo kale.

[30] Afkaygaan aad ugaga mahad naqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.

[31] Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.

Sabuurradii — Chapters