[1] Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
[2] Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
[3] Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
[4] Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samato bixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
[5] Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
[6] Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
[7] Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada, Oo weliba way samato bixisaa.
[8] Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakadaysan ninkii isaga isku halleeya.
[9] Kuwiinna qoduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
[10] Aaranka libaaxa wax baa ka dhiman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
[11] Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka-cabsashadiisa.
[12] Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?
[13] Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
[14] Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
[15] Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
[16] Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabi'iyo.
[17] Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samato bixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
[18] Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomammaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
[19] Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samato bixiyaa dhammaantoodba.
[20] Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, Oo middoodna ma jabna.
[21] Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
[22] Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.