Skip to content
Opens in a new window

[1] Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?

[2] Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.

[3] Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.

[4] Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.

[5] Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.

[6] Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto, Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.

[7] Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.

[8] Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.

Sabuurradii — Chapters