Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.

[2] Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

[3] Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yaamayska ugu dhicin.

[4] Qoduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa qoduuska ah.

[5] Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada.

[6] Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.

[7] Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.

[8] Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

[9] Bal markaan yaamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku Ma ciiddaa ku ammaanaysa? oo ma runtaaday sheegaysaa?

[10] Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

[11] Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,

[12] Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aammusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahad naqayaa.

Sabuurradii — Chapters