Skip to content
Opens in a new window

[1] Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

[2] Rabbiyow, naftayda ka samato bixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.

[3] Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?

[4] Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.

[5] Anaa hoogay, waayo, Meshek baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!

[6] Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.

[7] Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.

Sabuurradii — Chapters