[1] Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro. Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro.
[2] Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
[3] Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
[4] Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan, Oo aanay Ilaah baryin?
[5] Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala fidhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
[6] Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaadol Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yaquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.