Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay, Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.

[2] Xumaantayda iga wada maydh, Oo iga nadiifi dembigayga.

[3] Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda, Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.

[4] Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.

[5] Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.

[6] Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run, Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.

[7] Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa, I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.

[8] I maqashii farxad iyo rayrayn, Inay lafihii aad jejebisay farxaan.

[9] Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.

[10] Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.

[11] Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga qoduuska ah ha iga qaadin.

[12] Farxaddii badbaadintaada ii soo celi, Oo ruux raalli ah igu tiiri.

[13] Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa, Oo dembiilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.

[14] Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samato bixi, Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.

[15] Sayidow, bushimahayga fur, Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.

[16] Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.

[17] Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa, Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomammaysan.

[18] Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.

[19] Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis, Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.

Sabuurradii — Chapters