Skip to content
Opens in a new window

[1] Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku rayrreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.

[2] Rabbiga ugu mahad naqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

[3] Gabay cusub isaga ugu gabaya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

[4] Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.

[5] Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.

[6] Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa, Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.

[7] Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.

[8] Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.

[9] Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay, Oo wuu amray, wayna adkaatay.

[10] Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.

[11] Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.

[12] Waxaa barakadaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.

[13] Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,

[14] Oo meesha isaga rugta u ah Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,

[15] Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya, Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.

[16] Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samato bixiyo xoog badan.

[17] Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo, Oo weliba ninnaba kuma samato bixiyo xooggiisa badan.

[18] Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,

[19] Inuu naftooda dhimashada ka samato bixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.

[20] Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.

[21] Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa qoduuska ah.

[22] Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.

Sabuurradii — Chapters