[1] Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aammusto, Aan noqdaa sida kuwa yaamayska hoos ugu dhaadhaca.
[2] Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada qoduuska ah.
[3] Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
[4] Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka ga-mahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.
[5] Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.
[6] Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
[7] Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u rayrreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
[8] Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
[9] Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakadee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.