Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiga ammaana Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka qoduusiinta kaga dhex gabya.

[2] Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku rayrreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.

[3] Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

[4] Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.

[5] Qoduusiintu ammaan ha ku rayrreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.

[6] Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,

[7] Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,

[8] Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,

[9] Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Qoduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.

Sabuurradii — Chapters