Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?

[2] Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay, Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay, Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.

[3] Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baaba'a weligiis ah, Iyo xagga xumaanta UU cadowgu meesha qoduuska ah ku sameeyey oo dhan.

[4] Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa, Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.

[5] Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.

[6] Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.

[7] Meeshaada qoduuska ah dab bay ku dhejiyeen, Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.

[8] Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee, Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.

[9] Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.

[10] Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?

[11] Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabi'i.

[12] Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore, Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.

[13] Xooggaagaad badda ku kala qaybisay, Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.

[14] Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray, Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.

[15] Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.

[16] Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh, Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.

[17] Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan, Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.

[18] Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay, Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.

[19] Qoolleydaada nafteeda ha u gacan gelin dugaagga, Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,

[20] Bal soo fiiri axdigaaga, Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.

[21] Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay, Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.

[22] Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac. Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.

[23] Ha illoobin codka cadaawayaashaada, Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.

Sabuurradii — Chapters