[1] Waxaa barakadaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.
[2] Waxaa barakadaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
[3] Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.
[4] Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
[5] Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
[6] Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
[7] Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahad naqi doonaa.
[8] Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
[9] Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
[10] Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
[11] Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
[12] Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
[13] Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.
[14] Waxaan ku rayrreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
[15] Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
[16] Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
[17] Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
[18] Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
[19] Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.
[20] Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
[21] Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.
[22] Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
[23] Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qay nuunnadaada.
[24] Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.
[25] Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
[26] Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.
[27] Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
[28] Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
[29] Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
[30] Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
[31] Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.
[32] Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
[33] Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
[34] Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
[35] Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
[36] Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
[37] Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
[38] Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.
[39] Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
[40] Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
[41] Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
[42] Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
[43] Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
[44] Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.
[45] Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
[46] Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.
[47] Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
[48] Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
[49] Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.
[50] Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
[51] Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
[52] Rabbiyow, tan iyo- mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.
[53] Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
[54] Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
[55] Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.
[56] Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
[57] Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
[58] Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
[59] Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
[60] Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.
[61] Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
[62] Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahad naqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
[63] Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
[64] Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
[65] Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
[66] Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
[67] Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
[68] Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
[69] Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
[70] Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
[71] Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.
[72] Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
[73] Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
[74] Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
[75] Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
[76] Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
[77] Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
[78] Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
[79] Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
[80] Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.
[81] Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
[82] Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
[83] Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
[84] Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
[85] Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.
[86] Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
[87] Dhulka ayay iga baabi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
[88] Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
[89] Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.
[90] Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
[91] Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
[92] Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
[93] Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
[94] Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
[95] Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
[96] Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
[97] Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
[98] Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii aqli badan cadaa wayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.
[99] Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimmadayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
[100] Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
[101] Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
[102] Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
[103] Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
[104] Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
[105] Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
[106] Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
[107] Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
[108] Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.
[109] Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
[110] Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
[111] Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku rayrreeya.
[112] Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
[113] Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
[114] Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
[115] Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
[116] Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
[117] Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
[118] Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
[119] Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
[120] Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
[121] Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
[122] Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
[123] Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
[124] Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.
[125] Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
[126] Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
[127] Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
[128] Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
[129] Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
[130] Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
[131] Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
[132] Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Siidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
[133] Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
[134] Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
[135] Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
[136] Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
[137] Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
[138] Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.
[139] Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
[140] Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
[141] Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.
[142] Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
[143] Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
[144] Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
[145] Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
[146] Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
[147] Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
[148] Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeen nimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.
[149] Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
[150] Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
[151] Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
[152] Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
[153] Dhibaatadayda ka fiirso oo i samato bixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
[154] Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
[155] Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
[156] Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
[157] Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
[158] Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
[159] Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
[160] Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
[161] Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
[162] Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.
[163] Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
[164] Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
[165] Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
[166] Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.
[167] Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
[168] Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
[169] Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
[170] Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samato bixi si eraygaaga waafaqsan.
[171] Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
[172] Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
[173] Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.
[174] Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
[175] Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
[176] Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.