Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.

[2] Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,

[3] Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)

[4] Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.

[5] Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabi'i.

[6] Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahad naqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.

[7] Waayo, isagu wuxuu iga samato bixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

Sabuurradii — Chapters