[1] Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.
[2] Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
[3] Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
[4] Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.
[5] Kan ismadax weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
[6] Waad wada baabi'in doontaa kuwa beenta ku hadla Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
[7] Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga qoduuska ah u soo tukan doonaa.
[8] Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hog gaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
[9] Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
[10] Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
[11] Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha rayrreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
[12] Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakadayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.