Skip to content
Opens in a new window

[1] Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen, Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,

[2] Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa qoduuska ah, Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.

[3] Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey.

[4] Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar.

[5] Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?

[6] Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?

[7] Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,

[8] Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah, Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.

Sabuurradii — Chapters