[1] Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
[2] Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa, Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
[3] Ha isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
[4] Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii, Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baaba'aan.
[5] Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
[6] Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,
[7] Oo kuwa la dulmay u gar soora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa.
[8] Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
[9] Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
[10] Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.