[1] Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
[2] Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
[3] Laakiinse adigu qoduus baad tahay, Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
[4] Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samato bixisay.
[5] Adigay kuu qayshadeen, oo way samato bexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
[6] Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
[7] Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
[8] Rabbiguu isku halleeyey, ha samato bixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samato bixiyo.
[9] Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
[10] Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay, Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
[11] Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow, Qof i caawiyaana ma jiro.
[12] Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
[13] Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
[14] Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
[15] Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
[16] Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
[17] Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
[18] Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
[19] Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
[20] Naftayda ka samato bixi seefta, Noloshaydana ka samato bixi xoogga eeyga.
[21] Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
[22] Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
[23] Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow. isaga ka wada cabsada.
[24] Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
[25] Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hor tooda.
[26] Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
[27] Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
[28] Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
[29] Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan, Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan, Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
[30] Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
[31] Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.