[1] yowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
[2] Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
[3] Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
[4] Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
[5] Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
[6] Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
[7] Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur amman ah ku heesa.
[8] Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa qoduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
[9] Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah, Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.