Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii, Macbudkaagii qoduuska ahaana way nijaaseeyeen, Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.

[2] Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii qoduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.

[3] Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.

[4] Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.

[5] Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?

[6] Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon, Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.

[7] Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabi'iyeen.

[8] Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

[9] Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi. Oo magacaaga daraaddiis noo samato bixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.

[10] Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.

[11] Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.

[12] Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaal mari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.

[13] Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada Waannu kugu mahad naqaynaa weligayo, Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.

Sabuurradii — Chapters