Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.

[2] Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)

[3] Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh, Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.

[4] Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aammusa. (Selaah)

[5] Bixiya allabaryadii xaqnimada, Oo Rabbiga isku halleeya.

[6] Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.

[7] Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.

[8] Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.

Sabuurradii — Chapters