Skip to content
Opens in a new window

[1] Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.

[2] Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.

[3] Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aammusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.

[4] Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.

[5] Oo wuxuu odhan doonaa, Qoduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.

[6] Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)

[7] Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.

[8] Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.

[9] Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.

[10] Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.

[11] Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.

[12] Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.

[13] Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?

[14] Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,

[15] Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samato bixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.

[16] Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?

[17] Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.

[18] Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.

[19] Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

[20] Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyahaa.

[21] Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aammusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.

[22] Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samata bixiya weydaane,

[23] Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.

Sabuurradii — Chapters