[1] Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
[2] Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay, Oo wixii bushimihiisu ku weydiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
[3] Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga, Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
[4] Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga, Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
[5] Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
[6] Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakadaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula rayrreeyo.
[7] Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga, Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
[8] Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
[9] Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
[10] Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
[11] Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
[12] Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
[13] Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkayga.