[1] Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahad naqi doonaa, Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
[2] Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga qoduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahad naqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
[3] Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
[4] Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahad naqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
[5] Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
[6] Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
[7] In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaa wayaashayda, Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.
[8] Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.