Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.

[2] Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

[3] Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.

[4] Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.

[5] Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

[6] Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,

[7] Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.

[8] Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.

[9] Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

[10] Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

[11] Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

[12] Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakadayn doonaa, Reerka Israa'iilna wuu barakadayn doonaa, Reerka Haaruunna wuu barakadayn doonaa.

[13] Wuxuuna barakadayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.

[14] Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba.

[15] Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka Ayaa idin barakadeeyey.

[16] Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.

[17] Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan, Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aammusnaantana ma ay ammaanaan isaga,

[18] Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba. Rabbiga ammaana.

Sabuurradii — Chapters