Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.

[2] Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.

[3] Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.

[4] Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay.

[5] Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay.

[6] Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.

[7] Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa?

[8] Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa.

[9] Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba,

[10] Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.

[11] Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,

[12] Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.

[13] Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.

[14] Waan kugu mahad naqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey sii cabsi iyo yaab badan, Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin, Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.

[15] Lafahaygu kaama qarsoonayn, Markii laygu sameeyey qarsoodiga, Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.

[16] Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa, Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen, Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey Intaan midkoodna jirin ka hor.

[17] Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa! Oo tiro badanaa!

[18] Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda, Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.

[19] Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh, Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyacabyada ahow.

[20] Waayo, iyagu si xun ayay wax kaaga sheegaan, Oo cadaawayaashaaduna micne la'aan bay magacaaga ku soo qaadqaadaan.

[21] Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?

[22] Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

[23] Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,

[24] Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.

Sabuurradii — Chapters