Skip to content
Opens in a new window

[1] Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada qoduuska ah degganaanaya?

[2] Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.

[3] Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,

[4] Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,

[5] Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaq qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.

Sabuurradii — Chapters