[1] Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
[2] Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,
[3] Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.
[4] Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
[5] Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
[6] Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.
[7] Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
[8] Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
[9] Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
[10] Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
[11] Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
[12] Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
[13] Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
[14] Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
[15] Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.