Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 3:07

[1] Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[2] Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[3] Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[4] Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[5] Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[6] Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[7] Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[8] Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[9] Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[10] Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[11] Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[12] Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[13] Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[14] Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[15] Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[16] Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[17] Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[18] Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[19] Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[20] Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[21] Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[22] Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[23] Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[24] Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[25] Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

[26] Ku mahadnaqa Ilaaha samada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

Sabuurradii — Chapters