Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 0:38

[1] Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan.

[2] Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.

[3] Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.

Sabuurradii — Chapters