Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 0:46

[1] Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

[2] Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

[3] Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

[4] Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.

[5] Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.

[6] Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.

Sabuurradii — Chapters