Skip to content
Opens in a new window
Listen to this chapter • 1:02

[1] Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,

[2] Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan.

[3] Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.

[4] Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.

[5] Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.

[6] Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin,

[7] Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.

[8] Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.

Sabuurradii — Chapters