[1] Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
[2] Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
[3] Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
[4] Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
[5] Waxaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.
[6] Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
[7] Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
[8] Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
[9] Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
[10] Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
[11] Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
[12] Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
[13] Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah, Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
[14] Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
[15] Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay, Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
[16] Ilaahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.
[17] Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
[18] Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
[19] Jidkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.
[20] Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale, Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.